SKA oo qalab looga shaqaynayo garoonka soo dajisay (Sawiro)

Muqdisho: (hayeey networ) Shirkadda SKA ee dhawaan lawareegtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay soo bandhigtay qalab casri ah oo looga talagalay in loogu shaqeeyo garoonka diyaaradaha ee Mudisho. 

Qalabkaan casriga ah oo ay maanta la timid Shirkadda SKA ee ka howlgasha Airpor-ka way nee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in lagu qabanayo howlaha Airpor-ka gaar ahaan adeegyada ku saabsan dadka dhoofaya ama imaanaya, sidoo kale xamuulka looga fududeyn lahaa. 

Qalabkaan casiriga ah oo ay Shirkadda SKA ayaa ka kookab qeybo kala duwan kuwaasi oo aan abad looga shaqayn Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo qalab nuucaani oo kale ah laga howlgaliyo Airpor-ka way nee magaalada Muqdisho. 

Mr.David T. oo ah ku simaha madaxa Shirkadda SKA Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qalabkaani uu yahay qeybtii hore oo looga shaqayn lahaa Airpor-ka maagalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ku tilmamay in uu yahay mid aan dalalka caalamka qaarkood laga Isticmaalin. 

David ayaa intaasi ku daray in Markab sida qalabka Shirkadda ay leedahay SKA oo ay ugu talagashay in ay ug shaqayso Soomaaliya uu iminka soo marayo Dekadda Masqad ee dalka Cuman islamarkaana dhawaan uu soo gaari doon dekadda way nee magaalada Muqdisho. 

Qalabkaan Shirkadda SKA ay la timid ayaa ah mid fududeyn doono howlaha ka socda Airpor-ka taasi oo ka dhigay Airpor-ka Muqdisho mid la tartamay kuwa Caalamka oo dunida ka jira iyadoo dhinaca kale ay dhiiro galinayso shirkado shisheeye oo ajaanib ah oo maalgashina ku sameeystaan Soomaaliya, diyaarado badan oo iminka aan iman jirina ay ku dhiiradaan inay garoonka diyaaradaha Muqdisho isticmaalaan.