Xildhibaannada Baarlamaanka oo yeeshay kulan ay su’aalo ku weydiinayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya

Isniin, 17 Janaayo, 2011 (HOL) – Kulan ay xildhibaanada baarlamaanku maanta ku yeesheen Muqdisho, ayay su’aalo ku weydiiyeen wasiirka garsoorka, arrimaha diinta iyo owqaafta DKMG ah C/llaahi Abyan Nuur iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyed Jan. C/llaahi Macallin Cali.
Shirkan, oo uu guddoominayay C/weli Ibraahim Muudeey oo ah ku simaha guddoomiyaha, ahna guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo qaybgalay 285-mudane.
Taliyaha ciidanka asluubta  Soomaaliyeed, ayaa ka warbixiyay ciidanka asluubta, wuxuuna xusay in la aasaasay 22-kii Feberaayo 1970, laguna bilaabay 1,480-askari, ayna gaareen 5,000-askari, isagoo sheegay in xukuumaddii Nuur Cadde ay dhintay tirada asluubta kana dhigtay 267-askari, waxaana sidoo kale tiradaas ka dhimay xukuumaddii C/rashiid oo ka dhigtay 245-askari.
“Ciidammada asluubta, ma qaataan mushaar, waxaadna moodaa in dowladda ay u haysato ciidan booliiska iyo milateriga, waana taas midda keentay in ciidanka asluubta aan fiiro loo yeelan,” ayuu yiri taiyaha ciidanka asluubta.
Sidoo kale, taliyuhu, wuxuu ka warbixiyay xabsiyada dalka, isagoo sheegay in dlka ay ku yaallaan 58-xabsi, oo 20 ka mid ah ay ku yaallaan Puntland iyo Somaliland, halka inta kalena ay ku yaallaan koonfurta Soomaaliya, balse ay dowladdu ka maamusho xabsiga dhexe oo keliya.
“Xabsiga dhexe, waxaa ku jira 245-maxbuus, qaarkood xilligii xarigooda loogu talogalay wuu dhaafay, waxaana ku jira 19-maxbuus oo ku eedeysan burcadbadeednimo, mid ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga dhexe wuxuu u dhintay cudurka HIV/AIDS,” ayuu yiri Jen. C/llaahi Cali.
Taliyaha ciidanka asluubta, ayaa la weydiiiyay su’aalo ku saabsan howlaha ciidanka, isagoo sheegay in ciidamada ay diyaar u yihiin inay howlahooda si daacadnimo ah u gutaan, balse aysan haysan tashiilaadkii ay u baahnaayeen.
Wasiirka garsoorka, arrimaha diinta iyo owqaafta, oo isna su’aalo laga weydiiyay howlaha wasaaraddiisa, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay waddo qorshayaal badan, isagoo u soo gudbiyay baarlamaanka qoraal ku aaddan la dagaalanka burcadbadeedda iyo ciqaabtooda, taasoo uu sheegay inay wax badan ka badlaayso dahallinyarada Soomaaliyeed ee dibadaha dalka ugu xiran falalka burcadbadeednimo.
Intii kulanku uu socday, waxaa madaafiic lagu weeraray xarunta golaha shacabka oo uu shirku ka socday, ku dhintay saddex qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay afar kale, iyadoo ciidammada AMISOM ay jawaabo ka bixiyeen duqeyntaas.
Ugu dambeyn, waxaa kulanka soo xiray guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, isagoo sheegay in su’aalo weydiinta ay sii soconayaan maalinta berri ah, sidoo kalena laga doodi doono qoraalka ku saabsan la dagaalanka iyo ciqaabta burcadbadeedda.