Deyn farabadan oo loo heysto Shariif Xasan Sheekh Aadan.



Qartuum :( Sh. M. Network) Nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Suudaan islamarkaana qeyb ka qaatay soo dabicida lacagta cusub ee shilinka Soomaaliga ayaa dacwad ku soo oogey gudoomiyaha Barlamanka taasi oo ku aadan in uu bixin waayay lacag farabadan oo uu ku leeyahay. 

Assaadiq Maxamuud Axamed oo ah ganacsade u dhashay wadanka Sudan ayaa dacwad kusoo oogay gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan taasi oo ah in uu ka lunsaday lacag gaaraysa ilaa 8-Milyan oo Dollar Maraykanka ah. 

Ganacsadahaani ayaa waxaa uu sheeagy in lacagtaasi uu ku bixiayay sidii loo dhex dhexaadin laha dowladaha Soomaaliya iyo Suudan bishii April ee Sanadkii 2009-ka, xiligaasi oo dowladda KMG Soomaaliya ay qorsheyneyso inay soo daabacdo lacag cusub. 

Ninkaani u dhashay wadanka Suudaan oo badanaaba ka ganacsada dalalka Maser iyo Imaraadka carabta ayaa la sheegay in uu xiriir wanaagsan la lahaa madaxda dowladda KMG Soomaaliya tan iyo markii uu xilka madaxtinimada qabtay madax weyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

Xilligii Isbaheysiga dib u xuroynta Soomaaliya uu ku sugnaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa Assaadiq Maxamed Ahmed waxa uu halkaasi ku booqday gudoomiyihii ururkaasi Sheekh Sharif Sheekh Axmed. 

Markii loo doortay xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya, Sheikh Shariif iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo islamarkaana uu ku jiro gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan oo xilligaasi ahaa wasiirka maaliyadda ayaa booqasho ku tagay Magaalada Qartuum halkaasi oo ay kulan kula qaateen amsuuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan iyo ninkaan Ganacsadaha ah, sida uu sheegay wargeyska Al Aharaam Al Yowm Al Suudaaniyah. 

Wargeyska ayaa intaasi ku daray in ganacsadaha reer Suudaan uu marti qaad u fidiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa Intii lagu guda jiray marti qaadkana ay kulan qaas ah qaateen Shariif Xassan Sheikh Aadan iyo ganacsade Assaadiq Maxamed Ahmed kuwaasoo kawada Hadley sidii DKMG SSoomaaliya ay lacago shilin Somali ah ugu daabacanlaheyd dalalka Kenya ama Indonesia, Hasa ahatee, ganacsadahaaasi ayaa ku qanciyay in lacagtaasi lagu daabaco Suudaan. 

Si kastaba ha ahaatee, ganacsadahaani u dhashay wadanka Suudaan ayaa sheegay in 8 milyan oo dolarka Mareykanka uu ku leeyahay Shariif Xasan Sheikh Aadan oo haatan ah gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya, waxaana uu dacwad arinkaasi ku saabsan u gidbiyay Maxkamada dalka Suudaan.