Gadaffi oo ka soo muuqda telefishinka dalka libya

President Qadaafi
Hogaamiyaha Libya, Muamar Gadaffi, oo dowladdiisa ay u muuqato in ay qarta u saaran tahay burbur kadib ku dhowaad todobaadyo dibaxbaxyo ah, ayaa markii ugu horaysay waqti aad u yar ka soo muuqday telefishinka dalka tan iyo markii dhibaatadu ka bilaabatay dalkiisa sadex maalmood ka hor. 

Colonoel Gadaffi ayaa sheegay in uu la hadlayay dhalinyaro Libyan oo ku sugnaa Fagaaraha Green Square ee magaalada Tripoli galab gaabkii,isagoo intaas ku daray in uu doonayo in uu beeniyo warar sheegayay in uu aaday Venezuela.
Ku xigeenka safiirka ayaa sheegya in dadka Libya ay waajib tahay la badbaadiyo oo laga badbaadiyo wax loogu yeeray xasuuqa ay xukuumaddu u gaysanayso.
Waxaa uu sheegay in la joogo maalmihii ugu dambeeyay ee Colonel Gaddafi, ayna tahay in maxkamad la soo taago.