dowlado badan ayey soo wajahday rabshado iyo xasilooni daro joogto ah

Mubaarak
aan ku horeyno dalka masar waxaa ka dhacay banaan baxyo aad u xoogan kuwaas oo ka dhan ah maamulka madaxweynihii is casilay ee Mubarak, banaan baxyo aad u xoogan oo dhimasho iyo dhaawac geeystay ayaa ka dhacay dalka masar kadib markii shacabka reer masar ay gadood ka muujiyeen sida uu dalka ku xukumo , sidoo kale shacabka reer masar waxa ay si weyn ugu dhaliileen madaxweyne Xusni in uu yahay nin aan habar yaraatee fiirinin danta shacabka uuna jecel yahay dantiisu in ay  ka horeyso tan umadaha kale , xusni mubaarak waxa uu xukanka dalka masar uu qabsaday sanadkii 1981 ilaa iminka ayuu hayay talada wadankaasi masar , tusaale yar marki aan soo qaadano dowlada mareykanku waxaa soo maray 5 madaxweyni kadib qabsashadii uu Mubarak dalka Masar, hadane mubaarak wax yaabaha lagu eedeeyay ka mid ahaa in uu ahaa nin xukun jecel , xiliyo badane la rabay in uu isaga dago codka ku shubtay , sanadahaas waxa ay kala yihiin : 1981 1989 1993 2001 iyo 2009 .

omar hasan al-bashiir
Omar hasan Al-bashiir iyo dalka Sudan ] waxaa jiro xisbiyo dhaqdhaqaaqyo oo ka jira dalka Sudan gaar ahaan magaalada Darfur kuwaas oo ay u jeedadoodu tahay in helaan calan ugooni ah ayna ka go'aan dalka Sudan , hadaba dadka indha indheeya siyaasada ayaa waxa ay sheegayaan in laga yaabo in Darfur ay go' kareyso hadii uusan Al-bashiiir uusan ogolaanin in wadanka hanti wadaag lagu maamulo , inkastoo marar badan ay United Nations ay ku celcelisay in uu cumar xasan yahay dambiile uuna muteysan yahay in maxkamada dambiyada dagaalka la soo hor taagayo , waxaa jiray wadamo carabta ka tirsan oo qaadacay go'aankaas ka soo yeeray Qaramada Midoobay , dalka sudan waa dal aad u weyn oo ay ku nool yihiin qoowmiyado ku hadla luuqada carabiga iyo luuqado kale , madaxweynaha Sudan waa nin asalkiisa ahaa Askari waxaana la sheegaa in talada wadanka uu janjeeriyay xaga awooda militiraga ..

waxaa diyaariyay cumar xasan cumar
wehliye2005@hotmail.com