heeso qoran

 
nin haween jeclaaday
hawl iyo dhibaatiyo
waayi maayo hadimee
anoo kuu hanweynweyn baad
halbowlaha i go'ysoo
warba iima haysidee
hadal tiro ma fiicne
adoon iga haraadin
maxaa kulaa hagaagsan
inaan kaa hadhaan
imika taladeed hayaa
hadaynaan heshiinayn
wa inaynu kala hadhnaa
kala hawl yaraysanaa
Baydka labbaad
hedu way baxaysaa
ilayn haybsan maaye
aan kaa horeeyee
haddii kale aan hoydoo
halkii loo badnaa iyo
aakhiro u hayaamee
hadal tiro ma fiicne
adoon iga haraadin
maxaa kulaa hagaagsan
inaan kaa hadhaan
imika taladeed hayaa
hadaynaan heshiinayn
wa inaynu kala hadhnaa
kala hawl yaraysanaa
Ilkaha u eg daruurtee
ciridkaaga duxulka aa
mawluhu ku daahiyo
Debnaha duxusha moodee
mar mar dib uga faydiyo
Sanqaroorka soo degay
Indha deeraleeyeey
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu masaalyeey
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey
Dib timaha u dhacayiyo
Dilimaaha dhabarkiyo
Sida dixida xaada
Dayrwaa ?? qaadkiyo
Suniyaasha duuda ah
Camaan doombir laayee
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu masaaleey
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey
Marka socdka dhamacdee
Degenida talaabada
Miisaanka lagu daro
Laafyaha la daawado
Dadku waxay yidhaahdaan
May daarin ciidee
Da'uus la moodyeey
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu masaaleey
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey
Ma salguuro caashaqee
ani sibiq ma igu galay
Intuu samada ila tageey
saxar-qaadka fooraha
dul sabee ma igu yidhi
dhalanteed ma igu sabay
soojeede maqanoon
seexaneeyn ma iga dhigay
Baydka LabbaadMa salguuro caashaqee
ani sahal ma igu helay
sambabadiyo feedhaha
intuu surima kala baxay
maku soofay xididada
seediyo lafahiyo
wadnihii ma sarayoo
halistii ma sudhan yahay
Baydka SaddexaadMa salguuro caashaquye
ani sidiq ma ii dhigay
Intuu soortii iga jaray
suun adag ma igu xidhay
ma isaaray heegada
wax sanceeya mawloo
saakay maygu wayn yahay
suxuladaa ma ii dhigay