maxaa guurka fududeeyo? furiinkana badiyo? maqaal ku saabsan sababaha keeno furiinka dag daga ah aan laka fiirsan bilaa sabab

cumar xasan cumar

ad iyo aad baan idiin salaamaya waxaanan idin leeyahay Qalbigaa idin salaamay Asalaamu calaykum warax matulaahi wa barakaato akhristayaal waxaan halakan idiinku soo ban dhigayaa sheekadan ku saabsan maxaa Guurka fududeeyay

Furiinkana badiyaay ? waa mid is waydiin leh !!!

ma hungoobo caashaqa la hayaa hareeraha marka laba u heelani hagayaan sideena

Guurku waa shay qaali ah oo suna ah qofkasta oo dhalinyara ah ama ha waynadee ama ha yaradee uu u baahan yahaay , guurku ma aha wax lagu ciyaarikaro oo la fududaysan karo waayo waxaad dhisay saa Qooys ama Guri markaad dhidibada u taagto waxaa ku fuulaya masuuliyad aad u culus waxaanad diyaar u noqotaa waxkasta oo Gurigaaga soo fuud saara inaad shafka u dhigato waxaad kafaala qaaday Gabadh dhan oo reer dhalay masuuliyadeeda waxkasta oo ay ubaahato haday mariin tahay iyo haday masruuftahayba adiga ayaa dusha kaa saarantahay Dumarkuna waa caruur waxay ubaahan yahiin inaad kool kooliso kalgaceyl aad gashato oo aad soo dhawaysato markastana aad ka war hayso waa inta ay kali tahay aanay curan ama aanay dhalin hadba sidaad u taaqano waxaa loo baahan yahay inaad xili hore utimaado waayo gurigoodi ayaad ka soo kaxaysay waxaad dhexkeentay dad ama qooys ku cusub oo aanay is fahmayn ,

adiga ayaay kaa soo door biday reerkoodii ama faamilkay la nooleed.

waxaa iska cad inaad tahay qofka kaliya ee ay aduunka u jeceshay markstana ay u baahan tahay argtidiisa ,

guurkuna waxuu ku haboon yahay markuu ku horyimaado calaashaan aad is bixin karto waayo waxaa markhaati madoon ah xaaska aad qabto 1000 shilin oo aad xoogaaga ugu soo shaqaysa inay ka ga kalsoon tahay ama ka ka jeceshahay 100, 000kun oo qofkale idinku saacido

taasna waxaa ku cad inay naftaada iyo maalkaagaba ay jeceshay inahayga aragtiidana aad bay ugu farxaayaaneey waayo waxaad tahay boqorkeeda ama nolasheda ,

waa labadii is doortee isku uursamadee ubad khayrle kala hala ee ilaahay u nimceeyey

waxaa taas sii dheer inaad uyeelato samir iyo dulqaad saayid ah waayo dumarka waa nimco ilaaheena wayni uu inoogu nimceeyey marna waxaa laga abuuray feedh qaloocan hadaad is tiraahdo toosi way jabaan waa inaad u dulqaadata waa hadii ay dhabkaatahay inaad qoys abuurto waxaa hore loo yidhi haween u samir ama ka samir .

Hadaan dib ugu noqono wakhtigii hore somalidu u soo martay waxaa la ahaa dad dhaqan leh oo islaam ah ilaa 1000 Awoow dadkuna waxaay lahaayeen xeer aan la dhaafi karin oo aan ku dhaqano waxay dumarku ku jireen kaalinta ugu qaalisan bulshada dhexdeeda, dumarkuna raga aad ayaay u ga danbeeyen aadna way u sharfi jireen may aheen gumaysi dumarka la guumaysato lakiin waxaa ku jirtay danta reerka, umadkasta oo aduunka ku noolna waxay lahayd dhaqan hadaan xeerkii hore aan dib u dumarku waxaa loo doonan jiray reerkay ka dhalatay haduu aabaheed nool yahay waxaa loo gogal dhigan jiray familka ay ka dhalatay si sharaf leh , hadii la isku afgarto arintaas waxaa la bixin jiray sooryo iyo yarad noocay doonto ha ahaatee , inkastoo xoolo lakala qaadan jiray xilaagas oo aanu doolar jirin habadnaato ama ha yaraatee

gabadha iyo wiilka la isu

gabadha iyo wiilka la isu doonayo waxaa laga yabaa inay hal habeen is arkeen ama ceel xoolaha laga waraabiyo isku arkeen siday noqotaba waa la isku dooni jiray waayo somalidu intii isku dagaana ah way is taqaanay waxaana kuu cadayanaysa Maah maahda tiraahada Wax Layqaan Guurso wax la yaqaan hakuu Dhashee , somalidu Waqooyi iyo Koonfur meel kasta oo ay joogto waxaay ka sinaayeen xurmaynta dumarka ama Qiimaynta dumarka , waayo dumarku waa lafdhabarta guriga ninkstoo inga mid ah na waxaa lagu soo dhaqay gurigooda wanaag,

waxaana xaqiiqo ah Hooyo la soo xumeeyey ama la soo gumaystay majirto hadii sida dhabata ah hoos u sii eegno somaliya waan ka wada nimid waalidkeena waan soo aragnay hadii dumarka la gumaysan jiray waan arki lahay ama maqli lahayn dhaqan keena ayaan ku arki lahay , waxaan dhaba ah somaalidu waa indho ku garaadle,

mida aan ku garaadsanay ama aan shaahid ka nahay waa in Aabuhu uu Guriga Hogaankiisa hayay oo hadii biil loo baahdo iyo hadii aduunyo kale loo bahadaba loogu tagi jiray , Hooyaduna ilaahay ha dhaafee Guriga iyo ciyaalka ayaay daryeeli jirtay waxaa lagu jiray nolol aad u macaan oo raali la iskaga yahaya ,

dadkuna sharaf ayuu lahaa daris iyo qaraabo waa la is xurmayn jiray waana la is jeclaa waxaana Hooyada somaliyeed ag teeda ceeb wayn ka heed
in la Furo calafuku waa halkiisa lakiin si fudud Hooyo ama gabadh la guursaday laguma Furijirin ,waxaana maqaalo iga ah in hadii Ninka ay ka soo godo inuu furo Gabadha ay qabsan jirtay Udub dhexaadka guriga taasna waxaa iiga cadaatay in ay ceeb wayn ka aheed Furiinku dumarka somaliyeed dhexdooda ayaado markasta ay hor iman jirtay heblaayo waa la soo furay ,hadii ay dhacdan inta badan gobalkaas way ka tagi jireen meelkalaanay aadi jireen 90% dumarkaasi iyo goo aad ugu xun furiinkaa ayaa waxaay la hadhi jireen oo ninka ka reeban jireen caruurta haday haysato , gabadha la furay hadii kalana way iska tawa kali jiray oo gobalkale ayaay aadi jiratay u calaf doonan jiratay ,

laakiin hada waxaa badalay dhaqaankeenii wanaagsanaa ee soo jireen ka ahaa ee diinteena islamka ah ku tiirsanaa waxaa la tabaan karaa in la fuduysatay guurkii laga soo bilaabo 1990kii waxii ka danbeeyey waxaa laga tagay xishoodkii dhaqankii
waxaa yaraaday wax yaalahii dumarkii hore ka gaabsan jireen , waa canab gabadhuhu ceeb looma quudhee

waxaa aad loo qafiifiyaay ama loo sahlay guurkii waxaana soo batay furiinkii sanad hii ugu danbeeye 1995/2010 oo aan hada joogno

waxaa arkaysaa gabadh yar o 18 jir ah ama ka yar oo laba
jeer la soo furay haysatan caruur kala nooc ah oo qadayasa dookhiyo naftaa ii heshiiyay waxaan dayaaybaan dib u bilabay waxaana sabab u ah ka fiirsa sho alaanta haysata dhalinyarad manta raga iyo dumarba .

waxaan muhiimadu saarantahay inaa ka taxa diraan dumarka waayo gabadh nimadu waa shay qaali ah oo hal mar soo marta dumarka waana fursad aay ku gaadhi karto mustaqabalkeeda oo dhamaysatiran waxaan raali laga wada nooqaday in la isku guursado waan kaahelay iyo walaahay naftayda ayaad cajibisay qofyahay kawaran hadii aan isku dhufsano walaahay waxaba kama qabo ok wadaad inoogu yeer yaa shuhuud noqon xasan rabi iyo jeey santaana wadadku laftiisa waxaa laga soo qabanay meel halkan dhoow waxuu leeyahay wadaadow qoftan waan iska helnay waxaan isku afgaranay ama raali iskaga nahay inaan is gursano cidiina wadan ka majoogaan somaliya ayaa dagan yahiin meel aan kala xidhidhno malaahan waxaan wadnaa wiil ay gabadha ilmaadeer yahiin markaa hoosha noo fududee shiikh aloow xooga ayaa halkii ayaa las isgug dhufsanaya mudo ayaa la is qabayaa hal cunug ayaa la kala dhalayaa xaajir waad iga hortimid ayaa hortaala iyo walaahay waan iska kaa dhex arkay xaajiyoow hadii aynu isu gooyno kawran waxaba kama qabo halkii ayaa gurigii lagu bur burinaya taasin waa nasiib darada ugu wayn ee haysata somalida maanta

waxaa jirata wiil iyo gabadh ayaa mudo wada sheekaysanaya waxaa go'aan lagu gaadhay ina cida la is waydiisto wiilku akhyaar ayuu dirsanaya xaajiga gabadha dhalay ayaa loo tagay hooshan waa la dhamaynaya waxaa la galayaa Qarsh badan gabadha aroos ayaa loo samaynayaa mudo markay is qabaan ayaa lakala booddayaa sabab la'aan ayaa lagu kala tagaya inagu kala wada ayaa ka dhacaysa waanad iga furan tahay maxaa reerkasi ku bur buray mala yaqaan .wiilka waxaa cado u noqnaysa ina gabadha kasta markuu guursado uu si fudud uu ku furo ,

gabadhiina sidoo kale inay siyar markasata ku gurusato nin taasina waxay sabab u tahay guurka kala nooca ah inay dhib wayn u tahaay inuu qofku uu sal dhigo oo meel qudha ku raxaaysato oo nolashiisa habi ku noqoto , waayo qofku markuu guur guurkiisu bato meelna kuma nagaado ,

waxaan dhab ah in dhalin yarada sidaas yeelayasa aanay waxba ka aqoon nolasha qooyska la abuurayo waxaan dhihir karaa mafahansan diinta islamaaka waayo guurku waa shay suna ah qof haday diinta fahan san yahiin waxyaalo badan fudeed maka dhiganayo ,waxaa muhiim ah in diinta la isku dhaqo hooyaduna ay u samirto aabaha , lana is waydiiyo maxaa reerka dhisan lagu bur burinaya

bariggii hore gabadhi haday ninka isku dhacaan ama ay is fahmi wayaan way soo dudi jirtay gurigooda ayaay iman jiratay markaas ayaa xalada la dhexgali jiray waxksta oo jirana waxaa laga hor marin jiray jirtaanka qooyska gabadhan guriga ayaa lagu celinjiray waxaana la xalin jiray waxkasta oo dhexyaal qoyska ,

wakhtigana xadirka waxaa dhacdainay guriga imanayso gabadhii oo boorsadeeda wadata ama magaalada ayaay hore u sii galaysaa waxaanay laga yabaa iyadoo arinkeedu cusub yahay in ay iska fasaqdo ninkeeda taas xataa haday dhacdo oo la furo gabadha waxaay hore ka sii aroosay saa ninkale iyadoo aan cadad bixin inay waana arin xaaqiiqa ah oo ku cusub bulshada cusub somaliyeed meelkasata oo ay joogaan waxaana sabab u ah dhaqankii oo laga talaabsaday diinta oo aan hoos loo eegin arinkani waa mid hada socda gabadha hore ayaa laga soo furaa hore ayaay ninkale ka guursanee kkkkk waa yaab ninka kale ma aqaan meel muu diyara ugu ahaa yaabka yaabkiis

sowtuu abwaan xasan ganay hore u yidhi umad waliba dhaqankeed dhalashan tixraaceed hadaba

Qurubaha waxaan noqonay dadka aduunka ugu fudud ee dhaqankooda hore kabadalay badalay waad aragteen afrikaanka dhaqoonkoda way haystaan hindada saari ayaay ku wareegaan waa la aqaano sadaa ok inagu xagay ku lunay intaan raadinayno meel aanan gaadhayn ayaan lunay

horaa loo dhahay waxaanad taaban karayn hadaad tiigso tidhaahdo isku taala horaad iyo tagood ka jabataa tusaaluhu waxaa weeye dhalinta maanta waxaan ku dhiiri galinayaa in ay aad ugu fiirsadaan dhanka ay kula kulmeen wadamdamada
reer galbeedka gabdhuhuna ay ka faa iidaystaan fursada gabadhnimo ee ay haystaan ee aanay mustaqbalkooda ku ciyaarin nolashan meesha ugu wanaagsan ay ka galaan guurkana aan lagu takrifalin waayo waxad tahiin nolasheen mar waad na dhasheen marna waan idiin dhaxnay waanad nala dhalateen waana noloshuna waxay ku macaantahay in lakala danbeeyo dareenka caashaqa na la is dhadhan siiyo