Falsafadaynta iyo barashada jacaylku waxay gaadhay ,,

falsafadaynta iyo barashada jacaylku waxay gaadhay in la qeexo inta nooc ee uu u kala baxo, waxaana lagu sheegay ilaa toddoba qaybood:
caashaqu waa toddoba haddii la tirshee
mid aan tegin taabka la ii geli = gacantaToddobadaas nooc oo malaha laga wado: ka labka iyo dheddigga, ka waalidka iyo ubadka, ka Ilaahay, ka saaxiibbada, ka samaha, ka quruxda, iyo ka dalka. Ka labka iyo dheddigga ka dhexeeya qudhiisa waxaa loo sii qaybin karaa toddoba ay ka mid yihiin: nin isagu gabadha jecel laakiin aanay iyadu jeclayn, nin ay iyadu jeceshahay laakiin aan isagu jeclayn, laba isjecel oo la isu diiday, laba isjecel oo si kale isu waayey, laba isjecel oo is-helay i w m.Waxaa kale oo la isku hawlay in la baadho sida uu jacaylku ku yimaado, waxaana la qiray in uu ka dhasho muuqa iyo hadalka ugu horreeya ee lagala kulmo qofka la jeclaanayo, natiijaduna waxay noqotay:
nabsigu waa dabayl dufaan wado oo ,dibnaha iyo saaran daymadaWaxaa la weheshaday, oo carrabka lagu celceliyey, ereyo ay ka buuxaan cataw, baryootan, eedsheegad i w m. Waxaad arkaysaa iyada oo lagu raaxaysanayo sheegashada kelinnimo, hurdo la’aan, dhaawac, xanuun, oohin iyo xataa dhimasho. Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" oo xaaladdaas dhaliilaya ayaa dhowaan laga sheegay: "Haddii heesihii iyo ruwaayadihii qarnigii tegay dib loo eego waxaa la moodayaa in aynu jacayl u baabba’nay!" Runtuse waa arrinta aynu soo sheegnay ee ah in ay bulshadu heshay fursad faneed iyo si cusub oo ay dareenkeeda ku sheegto, siiba dhallinyarada, taas oo ah wax loo baahnaa nafsad ahaan iyo dhaqan ahaanba.Ku dayashada Cilmi-Boodhari ka sokow sababta ay maansada jacaylka ahi ugu badan tahay calaacal iyo cabasho waxay tahay, dadka jacaylkooda ku guulaystaa waxba ma allifaan sidaas darteed codkooda lama maqlo, waase dadka uu jacaylku xanuunjiyey kuwa qayladooda iyo baroortooda la maqlaa. Garan maayo sababta ay dadka caashaqooda ku liibaanay taasi uga soo burqan wayday . 



waxaad nala dhageysataan heesta sanadka 2011 http://www.youtube.com/watch?v=JSdHMTA5qmI waxaana ku luuqeyneysa fanaanada codka dahabiga leh farxiya fiska
WD:omar hajji
wehliye2005@hotmail.com